in

Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa Oo Sabab La’aan ku Afar Jibaaray Qiimaayaasha Biyo Galinta Guryaha Iyo Bulshadda Reer Hargeysa Oo Sida Fiinta Uga Qayliyay

Bulshadda Reer Hargeysa Oo Sida Fiinta Uga Qaylisay Qiima Kaca Aan Loo Meel Dayin Ee Maareeyaha Wakaaladda Biyuhu Sida Indho La’aanta Ah Ugu Afar Jibaaray.

Hargeysa(Somalilandtoday) Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa Md. Maxamed Cali Daarood ayaa Bushadda ku dhaqan Magaaladda hargeysa ku kordhiyey biyo galinta Guryaha Cusub, korodhkaas oo aanu Maareeye Maxamed Cali Daarood meelnaba ku sheegin iyo Sababaha uu ku yimid korodh xad dhaaf ah oo la sheegay isla markaasna meel ay sharciyadda  meelnaba ka jirin korodhkan ayey Bulshaddu ka cabanayso.

Bulshadda ku dhaqan Magaaladda Hargeysa oo Markii horeba la il darneyd Biyo la’aanta ayaa waxa ugu soo biirtay in uu Maareeyaha Wakaaladda Biyuhu uu kordhiyo Biyo galinta Guryaha Cusub, Koradhkaas oo halka uu ka yimid iyo sababta keentay wakhti xaadirkan aanu shaacin.

Maareeyaha Wakaaladda ayaa Afar Jibaaray Qiimaayaashii Biyo Galinta Guryaha Cusub ee magaaladda hargeysa taasi oo caqabad ku noqotay Dadweynaha ku dhaqan Magaaladda Hargeysa Wiigagii ugu dambeyey,

Haddaba Wargeyska Hubaaal oo u kuur galay  Xaqiiqo raadinta lacagta lagu kordhiyey Biyo Galinta Guryaha cusub oo uu Wargeysku idin soo helay intii aan Maareeyahani kordhin lacagta intii ay ahaan jirtay iyo imika korodhka ku yimid oo Wargeysku iskugu kiin garab dhigay, faraqan u dhaxeeya koradhka ku miyid lacagta ayaa aad ku kala fog.

Qiimahaayashii hore iyo Kuwa Cusub ee lagu kordhiyey ayaa u dhigan sidan:

  1. Guriga Sandaqadda marka biyo galin loo samaynayo waxa laga qaadi jiray (1,000,000)Hal Milyan Oo Shilin Somaliland ah, halka imika laga dhigay (3,000,000) Saddex Milyan Oo Shilin Somaliland ah.

  2. Guriga Afarta Makhsin waxa laga qaadi jiray (1,500,000) Milyan iyo Shan Boqol Oo Shilin Somaliland ah, halka imika laga dhigay (6,000,000) Lix Milyan Oo Shilin Somaliland ah.

  3. Guriga Sideedtan iyo lixdanka ahna markii hore waxa laga qaadi jiray lacag dhan (2,500,000) Laba Milyan iyo shan boqol, halka imika laga dhigay (10,000,000) Toban Milyan Shilin Somaliland ah .

  4. Meharaddaha laga Ganacsaddo ama Guryaha Fooqyadda ah waxaa laga qaadi jiray lacag dhan (3,000,000) Saddex Milyan, halka imika laga dhigay (16,000,000) Lix Iyo Toban Milyan.

Ugu dambeyn Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa oo Wargeyska Hubaal wax ka weydiiyey korodhkan ku yimi Biyo Galinta Guryaha Magaaladda Hargeysa ayaa ku sheegay waxba kama jiraan ku tilmaamay.

Somalilandtoday/Hargeysa/Office


Source link

What do you think?

0 points
Upvote Downvote

Total votes: 0

Upvotes: 0

Upvotes percentage: 0.000000%

Downvotes: 0

Downvotes percentage: 0.000000%

Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Loading…

Comments

comments

DAAWO: Maayirka Burco Oo Si Adag U Dhaliilay Wasaaradda Ciyaaraha

“Ganacsatadu ha Jebiyaan Qiimaha Maceeshadda” Xildhibaan Cumar Sanweyne